Ugu horeyn sababta rasmiga ah ee Agoolka ama Toxobta keenta lama garanayya, laakiin waxey khubarada cilmi barayaasha intooda badan isku raaceen in agoolka uusan la xiriirin nadaafad darro.
Agoolka waa xaalad ku timaada madaxa taasoo inta badan sababta jajab muuqda oo maqaarka ah iyo cuncun, inkastoo Agoolka uu ubadan yahay madaxa hadana waxaa jira in uu galo jirka intiisa kale ee tinta ay kasoo baxdo side garka, shaarbaha, shuunka, iyo baalasha indhaha.
Hadaba waxaan halkaan idin kula wadaagi doonaa wax yaabaha suuragalka ah ee keena agoolka, sida looga hor tagi karo iyo siyaabaha lagu daweeyo intaba ka bogasho wacan.
Waa Maxay Sababaha Keena Agoolka.
Waxyaabaha keena in Agoolka madaxa ku sameysmo iyo halista in madaxa uu ku bato waxaa kamid ah.
Maqaarka madaxa oo qalala "Saliid la'aanta
madaxa",
Caabuq yada madaxa ku dhaca "Seborrheic dermatitis",
isticmaal la'aanta shaambada xiliga nadaafadda madaxa,
In madaxa aan si joogta ah loo shanleyn,
Xanuunka xasaasiyada madaxa,
Nafaqo darada sida in jirku ku yaraadan maadooyinkaan
"Fitamiin B, Zinc-ga, iyo Dufanka qaar",
Xanuunada qaar sida walwalka badan iyo niyad jabka,
Xanuunka HIV,
Cudurka "Alopecia" ee sababa Bidaarta.
Sidee Agoolka loo daweeyaa.
Ugu horeyn waxaa jira laba arin oo muhiim ah in aad ogaatid kahor inta aadan iska daweyn xanuunka Agoolka:
A. Da'daada iyo B. Heerka Agoolkaada.
Waxaa jira oo lagu daweeyaa shaambooyin (Anti-Dundruff Shampoo) kuwaas oo loo isticmaalo ka hortaga iyo daweeynta Agoolka/Toxobta, Si'aad usoo iibsatana uma baahnid inaad haysatid warqad uu dhaqtar kuso qoray oo si caadi ah waad sameyn kartaa inaad soo iibsatid.
Waa in dhaqtar aad laxiriirtaa hadii shaambooyinka waxba aad isaga garan weysid si loo ogaada waxa kugu sababaya agoolka.
Sii Daalaco..👇
Sidaan Fudud Ee Dabiiciga Ah Ku Cadeey Wajigaaga.
0 Comments