Hadii markaad cadeysaneyso Cirrid kaaga ama ilka haada aad ku aragtid dhiig ma'ahan xaalad caadiya, waxeyna muujineysaa in xanuun ama dhibaata hoose ay jirta tasoo inta badan laxiriirta caabuq haleela cirridka ama ilkaha.
Si'aad isaga daweyso xanuunka Cirrid dhiigga waxaa marka hore lagama maar maan ah in la'ogaada sababta keentay si loo daweeyo. Hadaba waxaan halkaan idin kula wadaageyna dhowr sababood oo inta badan lala xiriiriya iney sabab u yihiin xanuunka Cirrid/ilko dhiigga.
- Kor uqaad Nadaafadda Afka.
Guud ahaan in qofka uu si weyn ugu dadaala nadaafadda afka, cirridka iyo ilkaha waxey ka qeyb qaadaneysaa ka hortaga xanuuna badan oo ku dhaca afka iyo cirridka oo ugu horeeya xanuunka caabuqa afka kaaso si weyn uga dhasho wasakhda ama huurada afka ku uruurta.
- isticmaal Fitamiin "C".
Kor uqaadidda difaaca jirka waa waxa ugu weyn ee qofka ka caawin kara kahor tagga caabuq yada kala duwan ee jirka saameya gaar ahaan kuwa sababa cirrid dhiigga, si aad ugu hor tagtana waxaa muhiim ah isticmaalka cunooyinka qaniga ku ah Fatamiin "C",
Fatamiin "C" waxaa hodan ku ah oo si weyn looga helaa qudradda nooc yadeeda kala duwan si gaar ah noocyada kala duwan ee Liinta, kaarootada, Bataati'ga iyo in si dawa ahaan ah aad uqaadatid.
- Isticmaal Fitamiin "K".
isticmaalka Fitamiin K waxa uu sara uqaadaa xinjirooga dhiiga taasoo qofka si weyn uga caawineysa ka hortaga dhiig bax ku yimaada. Hadaba waxaa jira cuntooyin hodan ku ah oo laga hela Fitamiin K sida Yaanyada, Mooska iyo Basasha, sidoo kale waxaa jira dawooyin fitamiin K la qaata.
- Cadayga badi.
Ugu yaraan maalinti in laba jeer aad cadeysato waxey dawo iyo ka hortag utahay cirrid dhiigga iyo guud ahaan xanuunada kudhaca afka, sidaas darteed isku day inaad cadeysato cunta walba dabadeed.
- Isticmaal Burush Jilicsan.
ku cadeyso oo isticmaal mar walba cadey jilicsan sababtoo ah cadeyga adag waxa uu dhaawac gaarsiin karaa ciridkaaga, sidoo kale inta aad haysatana ku dadaal nadaafada cadeygaada oo ugu yaraan bishiba halmar iska badal kuna xafid meel aysan wasakh ama bakteeriya gaari karin.
- Isticmaal Biyo Diiran.
ku dadaal mar walba in biyo diiran aad ku luq luqatid ama in afka aad ku dhaqatid maxaa yeelay waxey yareyneysaa koriimada bakteeriyada afka ku sababta xanuunka cirrid dhiiga.
Sidaan Fudud Ee Dabiiciga Ah Ku Cadeey Wajigaaga.
- Ha'isticmaalin Sigaarka ama Shiishadda.
Sababtoo ah cabista sigaarka/Shiishadda waxey si aad ah hoos ugu dhigtaa difaaca jirka taaso qofka ku keenta in afka koritaan ku sameyso bakteeriyada ka dhalata wasakhda ama huurdda.
- Ku cadayyo dhaga yaraha.
Marwalba ku cadeyso miraha shaaha ee loo yaqaan dhaga yaraha sababtoo ah waxaa la tijaabiyay in si weyn caafmaadka guud ee afka uga qeyb qaata gaar ahaan cirridka iyo ilkaha, inaad Tunta budada afka ku shuba marwalba oo aad cadeysaneyso.
- Iska ilaali Xanuunadan.
Sida ay isku waafaqeen cilmi baarisyo badan oo dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in xanuunka Wal-walka iyo Walbahaarka (Stress) uu sababo hoos udhac ku yimaada difaaca jirka taasoo qofka ku keenaysa in uu unuglaado caabuqyada jirka gaar ahaan kuwa afka saameeya sida xanuunka Cirrid dhiigga.
Dadka Soomaaliyeed inta badan xanuunka cirrid dhiiga halis badan uma arkaan oo wey sahladaan waxeyna u arkaan wax iska caadi ah, laakiin waa dhibaata weyn oo keeni karta in qofka ilkihiisa waaya oo suus kalo xanuun badanna ay kugu keento, sidaas darteed ku dadaal caafmaadka cirridkaaga iyo ilkahaada.
0 Comments