Latest

5/recent/ticker-posts

Maxaa sababa sanboorka : Daawada sanboorka.

Maxaa sababa sanboorka : Daawada sanboorka.

Xanuunka Sanboorka (Allergic Rhinitis) waa caabuq ku yimaada xuubka sanka, taasoo sababta in ay ka dhalato xasaasiyad kicisa ah oo saameyn dhibaato aan ku laheyn jirka, wuxuuna Sanboorka laxiriiraa falcelin aan caadi aheyn uu jirka ka sameynayya caabuqa haleelay xuubka sanka.

  • Waa maxay sababaha keena Sanboorka.

Waxey laxiriirtaa inta badan marka uu jirka falgal la sameeya wax yaabaha  xasaasiyad kiciyaasha sida:

  1. Dhogarta, Boorka/Busta,
  2. Cowska, Xayawaanada Baranbarada, Bisadda,
  3. Cimilida qaar ee sanadka sida xiliyada Guga iyo Qaboobaha.

Marka xaaladahan aan kor kusoo xusnay jirka uu lakulmo waxa uu soo deynayaa "Histamin" oo ah maado kiimiko oo ka qeyb qaadata difaaca jirka, kiimikadan waatan qofka ku sababysa in ay kasoo muuqdaan astaamaha xanuunka Sanboorka.

  • Astaamaha Lagu garto xanuunka Sanboorka.

Xanuunka Sanboorka wuxuu leeyahay calaamada iyo astaama si gooni ah loogu garta waxaana ka mid ah,

  • Madax xanuun badan, Daal
  • Hindhiso badan, Qufac
  • Cuncun indhaha ah
  • Cabur sanka ah
  • Cuncun cunaha ah
  • indha biyood
  • Diif badan

Astaamaha aan kor kusoo xusnay inta badan waxaa la dareemaa marka jirka uu lakuma xasaasiyad kiciyaasha, laakiin calaamadaha sida Daalka iyo Madax xanuunka qofka waxaa ladareemaa marka jira uu wax badan lakulmo xasaasiyad kiciyaasha.

Qandhada kama mid ahan astaamaha lala xiriiriya xanuunka sanboorka, hadii wax ka badan todobaadyo aysan soo hagaagin astaamaha sanboorka la xiriir dhaqtar.

Madooneysaa Waji Cayilan Si Dhaqsi Ah Isticmaal Cuntoyinkaan.

  • Yaa unugul Sanboorka.

Maxaa sababa sanboorka : Daawada sanboorka.

Xanuunka Sanboorka waxa uu saameyn karaa qof walba laakiin waxaa jira xaalada dadka unugleeya in uu haleela ama ku kaca sanboorkana ku sababi kara waxaana ka mid ah:

  • Cimilada qaboob, xaaladaha sida Huur'ka ama Dabeysha
  • Hawada wasakheysan
  • isticmaalka Barfuuno, Catarro iyo Dawooyinka qaar
  • Cabida Sigaarka
  • kiimikooyinka qaar

Waxaa jira qaabab kala duwan oo Sanboorka loo daweeya laakiin inta aadan qaadan wax dawo ah fadlan kala tasha dhaqtar, sadexdaan nuuc ayeyna ka kooban yihiin dawooyinka loo qaata Sanboorka.

  1. Qaadashada Dawada Antihistamin
  2. Qaadashada Dawada sanka furta
  3. Qaadashada Dawada sanka lagu buufiya

Sida ugu wanaagsan ee xanuunka Sanboorka looga hortagi karana waa kaliyya in si wanaagsan aad u maareyso inta jirkaagu uusan sixun u falcelin wax yaabaha aad is leedahay wey kugu kicinayaana aad ka fogaatid.

  • isaga Daweey Sanboorka Sidan Dabiiciga ah.

Dhawaan Cilmibaaris 68 qof oo lanool xanunka Sanboorka lagu sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in isticmaalka saliida Xabad sowdada ay waxtar aad uweyn uleedahay dadka xanuunkan qaba, dadki tijaabada marayna ay si boqolkiba boqol (100%) ah ay ugu bogsadeen, halka marki hore dhowrki maalmoodba ay qaadan jireen dawooyin kiimikaal ah oo waliba qaarkod  ay waxyeelo ku reebtay.

Sida cilmibaaristu sheegtay Xabad Sowdada isticmaalkeedu waa in subax walba min hal dhibic lagu dhibciya sanka duleeladiisa ayadoo qofka gadaal u neefsanayya, waxaana laga rabaa in qofka uu wado muda 6 asbuuc ah.

Hadii ilmaha ay yaryihiin isticmaal sidan, Xabad sowdada ku dhibci labadaada farood oo mari kadib ku aadi labada dul ee Sanka adigoo ku amrayya inuu neef qaato, hadii ilmuhu yar yahay amarna uusan gaarin waxaad sameysaa Sanka faraha ugu haay muddo 1 daqiiqo ah, sidoo kale ku dadaal hal maalinna inaadan ka hilmaamin si xiriir ah u isticmaal ugu yaraan muddo 6 asbuuc ah.

Sii Daalaco...

Maku Dhiban Tahay Haaraha Wajiga, Sidaan Fudud Isaga Daweey.

Post a Comment

0 Comments