Latest

5/recent/ticker-posts

Cayilka Wajiga | Sida ugu Fudud oo Wajiga lo Cayiliyo

Cayilka wajiga | Sida ugu fudud oo wajiga lo cayiliyo

Sida aan kawada dharagsanahay qof walba waxa uu si'aad ah u daneynayaa ama uu jecel yahay in uu lahaado waji dhalaalayo oo qurux badan, hadaba waxaa jira dad wado qaldan u maro ayagoo isticmaalaya daawooyin ka sameysan kiimikaal halis ku ah jirka qof kuwaas oo faa'idadooda ay ka badan tahay wax yeelada ay jirka qof ka u geysanayaan.

Sida lagu sheegay cilmi baaris cusub iyo daraasada dhawaan lasameeyay ma'ogtahay akhriste in ay jiraan cuntooyin iyo khurada aan maalin walba heli karno oo si wanaagsan ugu qeyb qaata quruxda wajiga, sidaa darteed waxaan halkaan idin kula wadaageynaa khudaarta iyo cuntooyinkaas kala duwan ee akhris wanaagsan.

1.Mooska.

ugu horeeyn waxaa jirta oraah caan ah oo tiraahda "Hadii aad mooska cunta is arkimeysaan dhakhtar" mooska waxa uu faaidooyinka aad ubadan uleeyahay jirka gaar ahaan waxa uu si'aad ah ugu qeyb qaataa quruxda wajiga.

2.Babaayga.

babaayga/shamaamka waxa uu si aad ah ugu qeyb qaataa dib inooleynta iyo cusbooneysiinta unugyada wajiga maadaama uu lee yahay dheecaan si wanaagsan uga qeyb qaata.

Aqriso Sidokale.. Sidaan Fudud Ee Dabiiciga Ah Ku Cadeey Wajigaaga.

3.Caanaha.

Caanaha aan laheyn dufanka oo ugu yaraan hal koob aad maalinti ka cabto waxey kaa caawineysaa inaad hesho wajiga aad ku riyoota, sababtoo ah caanaha waxaa ku jira bakteeriya ka qeyb qaadata iney disha sunta ku jirta wajiga si'aad ahna sara ugu qaada quruxda wajiga.

4.isticmaalka Baradhada.

Bardhada wajiga waxey uleedahay faa'idooyin aad ubadan waxey ka qeyb qaadataa ka hortaga falaaraha qoraxda/Cadceeda ee wajiga ku dhaca dhibaatooyinka badana ugeysta.

5.isticmaalka Tufaaxa.

Tufaaxa jirka waxa uu uleeyahay faa'idooyin bada si gaar ah wajiga waxa uu uleeyahay waxtar gaar ah asigoo ku sameeya cusbooneysiin.

6.isticmaalka Karootada.

Sida aan wada ognahay korootada waxaanu ku naqaan faa'idooyinka badan ee indhaha ay uleedahay, laakiin intaas kuma goobna faa'idooyinkeeda oo wajiga waxey si aad ah uga saacidaa oo ay ka ilaalisaa in finan uu yeesha sababtoo ah waxaa karootada ku jira Fitamin E kaasoo si wanaagsan uga qeyb qaata in wajiga uu ka ilaaliyo in unugya ay ku dul abuurmaan, sidoo kale waxa uu ka ilaaliyaa ka hortagna uga sameeyaa kansarka ku dhaca maqaarka.

Sii Daalaco...

Sidee Loo Daweeyaa Xanuunka Cirrid Dhiiga Ama ilko Dhiiga.

MAXAA XANUUNKA SANBOORKA LAGU DAWEEYAA?.

Post a Comment

0 Comments