Latest

5/recent/ticker-posts

Sida Timaha Loo Dhaqo

Sida timaha loo dhaqo

Timaha wa quruxda qofka waana muhiin in lajoogteeya oo lagu dadaalo in marwalba ay nadiif ahaadaan, laakiin waxaa jira waxyaabo qofka uu san halis u arag laakin dhibaateynaya timihiisa, waxaa ka mid ah dhaqista qaldan ama in si qaldan aad udhaqdo timaha taasoo kugu sababi karto tima lumis aan kasoo kabasha laheyn.

Halkan hoose waxaan idin kula wadaagi doonaa talooyin laxiriira daryeelka timaha, waqtiga ay tahay in ladhaqo iyo habka ay tahay in loodhaqa taasoo ayadana laxiriirta nooca timaha ee qofka.

Kahor Tag Daadashada Timaha Oo Sidaan u Dhaq Timahaada.

1. Ugu horeyn inta aadan shaambada isticmaalin waa in aad wada qoysaa oo biyaha aad wada gaarsiisaa timahaada.

2. kahor inta aadan isticmaalin hubi heer kulka biyaha, waa inuu ahaado mid diiran ama lamid ah heer kulka qolka oo kale.

3. Kahor inta aadan marin si qayaas ah soo qaada shaambada oo wada gaarsii gacmahada.

4. kadib mari timaha si'aad uga nadiifiso saliida iyo wasakhda si tartiib ah faraha ugu masaajeey timaha.

5. sifiican uga biyo raaci shaambada timahaada sababtoo ah waxey leedahay kiimikooyin halis ah oo kugu keeni kara timo lumis.

6. Mar labaad waa in aad ku celisaa hadii wasakhda timahaada ay aad ubadneynd, adigoo marayya isla tilaabooyinkii laakiin markaan isticmaalaya shaamba yar.

7. Qalaji timaha oo sug inta biyaha badan ay ka daataan, kadibna qaado shukumaan/Taawal adiga oo aanan xoqin si tartiib ah ugu qaliji timaha.

8. Timaha inta ay qoyan yihiin madaama ay aad u jilcan yihiin horey haka shanleysan.

9. Timahaada u ogalaaw in si dabiici ay hawada ugu qalalaan, oo ha'isticmaalin waxyaabaha lagu qalajiyo timaha.

10. Hadii timahaada wasakhda ama dufankooda uu yar yahay waxaa sameyn kartaa in biyo kaliya aad ku dhaqdo adigoo wax shaambaha aanan isticmaalin laakiin waa in halmar aysan ka badnaan.

Sii Daalaco... Maku Dhiban Tahay Haaraha Wajiga, Sidaan Fudud Isaga Daweey

Sii Daalaco... Sidee Loo Daweeyaa Af-urka.

Post a Comment

0 Comments