Latest

5/recent/ticker-posts

Af urka Maxaa Daawo u ah

Af urka Maxaa Daawo u ah
Af-urka (Halitosis) waxa uu ka mid yahay dhibaatooyin dad badan ay ladaalaa dhacayaan kuna qasabtay dadka qaar in dhexgalidda ama xitaa u dhawaanshiyaha bulshada ay culeys kala kulmeen.

waxyaabaha ugu badan ee keena urtan waxey laxiriirtaa nadaafad xumi afka ah, 
maxaa yeelay sida dhaqaatiirtu sheegen hadii aan afka si sax ah loo nadiifin ay jirto bakteeriya afka ku uruurta taasoo sii deynaysa sun sababtana in ay milan ku sameyso cuntooyinka haraadiga ah ee ku jira ilkaha iyo carabka una badasho ur aan wanaagsaneyn. 

Shabakada Alcarabiya war bixin ay daabacday waxaa lagu xusay in waxyaabaha sababa urta afka aysan intaas ku koobneyn, xanuunka macaanka, hoos udhac ku yimaada dheecaanada qanjirka loo yaqaan Teyroodka, ciladaha caafimad ee ku yimaada ciridka, suuska ilkaha, sanboorka iyo xanuunada ku dhaca habdhiska dheefshiidka,

waa qeyb ka mid ah wax yaabaha qofka ku sababa xaaladan af-urka ah. Urta aan fiicneyn ee afka waxaa jira qaabab badan oo loola dagaalami karo sida latacaalida iyo daweynta xanuunada aanu kor kuso sheegnay iyo cunista cuntooyinka soo socda ee hoos ku xusan: 

 • Cunista Liin macaanta 


Af urka Maxaa Daawo u ah

cuntooyinka qaniga ku ah fitamiinka "C" sida Liin macaanta si dabiici ahaan waxey awoodaan in urta aan wanaagsanen ee afka ay yareyso, sidoo kale faytamiin "C" wuxuu qeyb weyn ka qaataa burburinta bakteeriyada aan fiicneyn ee afka ku keenta urka, asigoo afka ku ilaalinayya in xaalad qoyaan ah uu marwalba ku jira madaama uu kor u qaadaya dheecaanka ay qanjirada afka soo daayaan, afka oo qalala waa sababta ugu badan ee qofka ku keenta af-urka.

 • Cunista Tufaaxa


Cunista Tufaaxa waxey si dabiici ah ugu wanaagsan tahay ladagaalanka bakteeriyada afka wuxuu nadiifiyaa ilkaha iyo afka guud ahaan, maadaama Tufaaxa laga hela maadada loo yaqaan 'Polyphenol' oo siweyn arintaan uga qeyb qaadata. 

 • Cunista Caleenta Nacnaaca 


Mudooyinkan dambe waxey Soomaalida si weyn ugu baraarugtay isticmaalka caleentan loo yaqaan Nacnaaca oo kamid ah hadda geedaha ay guryaha ku beertaan, in caleentan uu qofka calaashada waxey si wanaagsan uga qeyb qaadataa ladagaalanka af-urka.

 • isticmaalka Qarfaha


Cuntooynka loo isticmaala ladagaalanka urta aan fiicneyn ee afka waxaa ka mid ah qarfaha/qorfaha oo sida caadiga ah leh caraf wanaagsan oo qofka siweyn u caawineysa sidoo kale wuxuu afka ka caawiyaa burburinta iskudhisyada 'Salfar' dhex duulayya afka.

 • isticmaalka Koostada

 
Af urka Maxaa Daawo u ah

Maadadda 'Polyphenol' oo saan horay usoo xusnay ka qeyb qaadata ladagaalanka urta afka, waxaa qani ku ah oo si wanaagsan looga helaa qudradda cagaaran sida Koostada, sidoo kale koostada waxey si weyn uga qeyb qaadataa dheeli tirka dheefshiidka jirka, taasoo si wanaagsan uga caawisa jirka in ay ka ilaaliso in uu qalalo/ingago.

 • isticmaalka Sanjabiilka

 
Sida cilmi baarisyo badan horey loogu sheegayba in Sanjabiilka dawo u yahay xunuuna badan, hadana markan khubarada caafimaadka waxey ogaadeen in calaalinta Sanjabiilka siweyn uga qeyb qaadato ka takhalusida urta aan wanaagsaneyn ee afka.

Digniin: Sanjbiilka sida la'ogyahay wuxuu si aad ah ula dagaalamaa xinjirowga dhiiga, sidaas darteed waxaa lagula talinayaa dadka la nool xanuunka dhiikarka in aysan iska badin isticmaalkiisa.

 • isticmaalka Shaaha Cagaaran 

Qofka in uu joogteya cabidda shaaha cagaaran waxey si dabiici ah u nadiifisaa afka, sababtoo ah caleenta uu ka sameeysan yahay shaaha cagaaran waxaa ku jirta maadda si weyn uga qeyb qaadata ladagaalanka bakteeriyada afka.

 • isticmaalka Biyaha 


Biyaha waa waxyaabha ugu muhiimsan jirka qofka, waxeyna ka mid yihiin wax yaabaha ugu waxtarka badan marka ay timaado ladagaalanka urta aan wanaagsaneyn ee afka, sababtoo ah afka oo qalala waa arimaha ugu badan ee keena af-urka.

Sii Daalaco Maqaalladan...

Post a Comment

0 Comments