Latest

5/recent/ticker-posts

Cayilka Caloosha | Cuntooyinka ugu Fiican ee Rida Misaanka

Cayilka caloosha : Cuntooyinka ugu fiican ee rida Misaanka

Baruurta Caloosha waa caqabadda ugu weyn ay wajahayaan waqtigaan malaayiin qof oo dunida ku nool, waxyaabaha ugu badan ee la'aaminsan yahay xeerta caloosha gasha iney sababta waa dhibaatooyin ka dhasha hab nolaleedka qofka iyo nooca cuntada uu cuna.

Baaritaano badan oo la sameeyay ayaa laysku raacay waxa ugu muhiimsan ee buurnida xadkeeda dhaaftay iyo baruurta caloosha lagu daweeya iney tahay inuu qofka ka taxadaro nooca iyo xadiga cuntada uu qaadanaayo iyo inuu sameeyo jimicsi.

Marka Dalkeena loo barbar dhigo wadamada hormaray ee dunida inteeda kale wxaa jira wax yaaba badan oo aan ku kala duwanahay haba ugu horeeyaan cimilada iyo cuntada ay cunaaan.

Waxaa jira dalal badan oo ladaalaa dhacayya dhibaatada cayilka iyo xanuunada ka dhasha, tusaale wadanka mareykanka waa dalka dadka ugu cayilka badn dunida ay ku nool yihiin hadana arintaas kama hor istaagto halganka nolasha iyo iney shaqeystaan, halka wadama badan oo kuwa soo koraya ah ay dhibaato ku qabaan.

Hadaba waxaan halkaan idin kula wadaagi doonaa 7 cunto oo siweyn ugu qeyb qaata dhimidda cayilka xad dhaafka ah iyo jarida baruurta caloosha.

1.Mushaarida (Outmeal).

Cayilka caloosha : Cuntooyinka ugu fiican ee rida Misaanka

waa boorash ama budo laga sameeyay qamadi oo si fudud dukaamada kuugu dhaw aad ka heli kartid, Aroorti markaad soo toosta qureecdaada ka dhigo, si weyn wuxuu kaga caawinayaa inaadan muddo gaajoon, yareeynta xeyrta jirka, iyo waxey dhistaa murqaha, laakiin inta aadan isticmaalin iska hubi xanuunka macaanka inaadad qabin.

2. Shaaha.

Cabida shaaha nooca bigeys'ka ah waxey si aad ah uga qeyb qaadataa gubida baruurta caloosha, waana mid ka mid ah saliid gubayaasha jirka, daraasad dhawaan la sameeyay ayaa muujineysa in dadka maalin walba sida joogtada ah u caba shaaha bigeyska ah ay gubaan 226 oo kolooris ah.

ku dadaal Maalinti inaad cabto afar ilaa shan koob oo shaah ah balse yuusan lahaan wax sokor ah ama aad ha'ugu yaraato.

3. Cuntada Badda(Seafood).

Marka dunida laga hadlaayo cuntooyinka badda laga soo saara si aad ah ayaa looga jecel yahay, sababtoo ah waxaa lawada hubaa waxtarka caafimaad ay leeyihiin, iyo sida weyn ay uga qeyb qaataan ladagaalanka baruurta caloosha iyo guud ahaan cayilka,

Sida lays ku wada raacay Maqaaxiyaha sameeya cuntooyinka aanan buurnida keenin, wax yaabaha ay cuntooyin kooda ka sameeyaan waxey la xiriiraan cuntada badda laga soo saaro, Waxaana la ogaaday dadka isticmaala hilibka cad sida Malaayga/Kaluunka iyo Digaaga ay ka caafimaad badan yihiin dadka cuna hilibka guduudan.

Sii Aqriso... Maxaa Lagu Daweeya Xanuunka Xiliga Caadada.

4. Khudradda Cagaaran.

Cayilka caloosha : Cuntooyinka ugu fiican ee rida Misaanka

Cunista khudradda cagaaran waa nafaqeeya muhiim ah waxaana laga helaa faa'idooyin badan, mana lahan wax yaabaha dhalin kara cayilka.

kahor qureecda qofka cuna khudrada cagaaran (Salad) waxey sii saa caafimaad caloosha ah, waxeyna ka hortagtaa calool taaga, waxeyna si aad ah uga qeyb qaadataa ladagaalanka baruurta caloosha.

5. Qaraha Ama Xabxab'ka.

Daraasad dhawaan lasameeyay ayaa muujisay in cunista Xabxabka/Qaraha ay si aad ah dadka cayilan uga caawiso ladagaalanka iyo gubidda baruurta caloosha,

Sidoo kale wuxuu si aad ah saameyn ugu yeeshaa wareega dhiiga halbowlaha asigoo ka hortaga dhibaatada buurnida caloosha.

6. Yaanyada/Tamaandhada.

Cunista yaanyada waxey leedahay faaidooyin badan oo caafimaad waxaana ka buuxa  noocya badan oo fitamiino ah iyo koolaris badan oo si toos ah uga qeyb qaata gubidda xeyrta caloosha,

Yaanyada/Tamaandhada nooca waaweyn ee loo yaqaan "Ox-octadecadienoic" in ugu yaraan maalin walba 9 xabo aad ka shiidato waxey kaa caawineysaa inaad dhinto baruurta caloosha.

7. Hilibka idaha.

Hilibka wanka waxa uu qani ku yahay maadooyinka fitamin B, Tryptophan, iyo Protein, hadii subaga laga saaro hilibkiisa wuxuu kaa caawinkaraa dhimidda cayilka.

Post a Comment

0 Comments