Latest

5/recent/ticker-posts

Sida ugu Fudud Ee Loo Dhima Buurnida

Sida ugu Fudud Ee Loo Dhima buurnida

Inaad qorsheyso sameynta jimicsi si joogta ah iyo cunidda marwalba cuntooyin kala duwan waa arin adag qof walbana uu san joogteyn karin, laakiin waxaan halkaan idin kula wadaagi doonaa 9 hab oo cilmiyeeysan miisaankana loo rido, adiga oo aanan  badaleyn cuntada wax jimicsi ahna aanan sameyneyn.

waxey cilmi baarista soo jeedinaysaa in qofka uu yareeyo kolooriga ( colories) asigoo cunaya xadi aan badneyn oo cunta ah, taasoo qofka si wacan uga waacin karta in xitaa mustaqbalka uusan miisaan kugu kordhin.

isticmaal Boratiin(Protein) badan.

Cunista boratiin badan waxey saameyn xoogan ku leedahay Amateetka, wuxuu qofka ku sababaa in gaajada uu hoos udhiga marwalbana aad dareento dharag, taasoo meesha ka saareysa cunista cunta badan.

Cilmi baaris dhawaan lasoo saaraaray oo ay ka qeyb qaateen dad gaaraya 441 qof ayaa lagu sheegay in muddo 2 asbuuc ah ay 11kg oo miisaan ah kaga dhacday ayagoo nidaamka ay isticmaalayen ay tahay, Sara uqaadida 15% ilaa 30% boratiinka iyo isticmaalka xadi yar oo cunta ah.

Sidoo kale mudadaas majirin wax cunta ah oo sigaar ah looga mamnuucay mana jirin wax jimicsi ah oo ay sameynayeen.

isticmaal cuntada faybar'ka (Fiber) badan leh.

Cunista cuntooyinka faybarta badan waxey si aad ah uga qeyb qaataan miisaan rididda, cilmi baaris lasameeyay ayaa muujisay isticmaalka cuntooyinka faybarka bada in ay hoos udhigta cunista badan iyo in nafaqada uu nuuga dheefshiidka.

Sidoo kale cunitaanka faybar badan waxey kaa taageraysaa inaad dharag dareento waqti dheer, Cuntooyinka laga hela faybarta waxaa ka mid ah ( Digirta, qamadiga, misirta iyo Boorashka).

ku cun weel yar.

Inaad saxan/baleydh weyn wax ku cuntid waxey maskaxda ku sababeysaa iney ufakarto inaad wax badan cuntay, sidaas darteed mar walba isticmaal saxan yar taasoo keeneysa inaad wax yar cuntid.

Tartiib u Cun.

Xilliga cunista cuntada maskaxda waxey ubaahan tahay  helida waqti ku filan, Daraasad dhawaan lasameeyay ayaa muujineysa in dadka sida deg dega ah wax ucuna uu si fudud miisaan ugu kordha marka loo fiiriya dadka sida tartiibta ah cuntada u cuna.

Cab Biyo Badan.

Inaad cabta biyo badan waliba wax yar ka hor xiliga cuntada waxey kaa caawinetsaa inaad cunta yar cuntid taasoo kuu sahleysa safarkaada miisaan dhimidda,

Sida la xaqiijiyay cabidda liitar barkii oo biya ah kahor 30 daqiiqo xiliga cuntada waxey si aad ah hoos ugu dhigtaa gaajada iyo inaad koolari badan aad qaadatid.

Aqriso... Sidaan Fudud Ee Dabiiciga Ah Ku Cadeey Wajigaaga.

Jooji Cuntooyinka qaar.

Sida ugu Fudud Ee Loo Dhima buurnida

ka fogaaw meel walba aad ku aragtid cumtooyinka caafmaadka halista ku ah sida cuntooyin lagu sameeyay Saliida badan, sokorta badan, cuntooyinka sijilka ah (processed foods), iyo Fast foods'ka, kuwaaso la aaminsan yahay in si xad dhaaf ah ay u kordhiyaan miisaanka.

waxey sidoo kale sababaan dareemida mar walba gaaja badan taaso keenaysa inaad wax badan cuntid, ku dadaal cuntooyinka caafmaadka wax tarka u leh sida hilibka cad, miraha, iyo khudaarta.

Sokorta Badan.

Raashiinka ama cabitaanada ay ku badan tahay sokorta halis badan oo caafimaad ayeeey leeyihiin, waxaana si aad ah loola xiriiriyaa kordhinta miisaanka iyo xanuuno kaloo badan.

Sidaas darteed waxaa wanaagasan mar walba inaad ku dadaashid cabitaanada kuwooda caafimaadka leh sida biyaha Cad, shaaha cagaaran iyo kafeey'ga.

Jooji Aaladaha Electroniga.

inaad tahay qof soo jeeda mudnaanna aad siiso waxa aad markaas cuneyso waxey kuu sahleysaa inaad xadidid cunistaada, koolari badanna aadan cunin, Daraasad lasmeeyay dhawaan ayaa muujisay in qofka marka uu wax cunayya ku mashquula aaladaha sida Talafishinka, ciyaarista game'ka, Moobeelka, ama kumbuyuutarka, ogaalkooda oo aanan joogin awgiis ay cunaan cunta badan oo saa'id ah.

sidaas owgeed marka aad wax cuneysa ka fogaaw aaladahaan waxey kaa caawineysaa inaad cunto raashiin kooban, miisaankana aad iska ridid.

Xiriir'ka Cayilka ee Hurda la'aanta iyo War-warka.

Waxaa arin aan lays diid'siin karin ah marka caafmaadka laga hadlaayo xiriirka miisaan dhimmida kala dhaxeeya wal-walka iyo hurdo la'aanta, waxaana xaqiiqo ah in saameyn tooda ay sarayso marka la fiiriyo xaga miisaanka iyo amateedka.

Hadaba hurdo la'aaan ama hurdo yarida iyo war-warka badan waxaa ka dhasha xaalad caafimaad dari oo halis ah tasoo keeni karta xanuuno kala duwn, sida Nooca 2'aad ee xanuunka macaanka, ama Cayil/Buurnaan saa'id ah.

Sii Daalaco... Maxaa Keena Agoolka Sideena Loo Daweeyaa.

Post a Comment

0 Comments