Ma
jeceshahay inaad si fudud ku cayisho mase taqaan cabitaanada kaa caawinaya ee
lagu naaxo?. Sida Caadiga ah bani'aadamka jir kooda waxaa loo abuuray hab
dabiici ah oo ka saacidaya in miisaanka uu ku kordhiya, isaga rida ama uu ku
xajisto miisaankiisa markaas.
Laakiin
waxaan halkaan idin kula wadaagi doonaa 6 cabitaan oo si fudud oo dhaqso ah
kaaga caawinaya inaad miisaankada ku kordhisid, xitaab habkaan dadka aan
cayilka jecleyn ayaga oo aanan fahamsaneen ayuu miisaan ugu kordhaa, qofki
fahamsanna si weyn ayuu uga faaideysan karaa, miisaankiisana ku kordhin karaa.
1. Cabidda Caanaha.
isticmaalka
caanaha waa mid ka mid ah waxyaabaha sida weyn uga qeyb qaata cayilka, waxaa
laga helaa maadooyin badan oo jirka ka caawinaya in miisaan uu ku kordha sida
Borotiinka, Dufan badan, Fitamiins,
karbohaydareyd iyo macdanno kaloo badan.
Daraasada
lasameeyay ayaa muujinayya in boratiinka laga hela caanaha uu si aad ah ugu
fiican yahay dadka raba iney murqo dhistaan, waliba daraasada waxey intaas ku
dartay in dumarka jimicsiga kadib isticmaala caanaha dufankooda uu badan yahay
ay natiijadooda miisaan kordhinta aad u sareyso, waxaana lagu talinayaa in
qofka raba inuu miisaan kordhin sameeya in
cunta walba uu cunaya uu caano ku daro.
2.Isticmaal Cabitaanada la Shiiday.
Sida
lawada ogyahay Cabitaanada laga sameeyay khudaarta iyo miraha la shiiday, waxey
si aad ah ugu wanaagsan yihiin caafimaadka guud iyo quruxda jir ahaaneed ee
qofka waxeyna ka hortagaan xanuuna badan.
Sidoo
kale waxey ka qeyb qaataan kordhinta miisaanka, qofka si joogta ah u isticmaalo
cabitaanadan khudrada iyo miraha shiidan ka sameysan, waxey ku kordhiyaan
kooloris xad dhaaf ah oo si weyn kaaga caawinaya inaad Cayisho oo miisaankaada
uu kordho.
3.isticmaal Borotiin(protein Shake).
Qofka
doonaya inuu cayilo ama jirdhis sameeyo isticmaalka Borotiinka aad ayuu muhiim
ugu yahay, wuxuuna kaa caawinyaa in si waxtar leh oo fudud miisaakaada aad u
kordhiso.
Bortiinka
nooca loo yaqaan (Protein Shake) waa Borotiin budo ah, diyaarsan oo si fudud
asigoo Gasac/Daasad ku jira aad usoo iibsan kartid, ugu yaraan maalinti 2 qaado
ku shiido caano iyo moos wuxuu si weyn kaga caawinaya inaad cayisho, hadii aad
tahay qof jimicsi sameeyana wuxuu kuu sahlayaa inaad murqo dhisato.
Sii Aqriso... Maxaa Lagu Daweeya Xanuunka Xiliga Caadada.
4. joogtey Biyaha Qumbaha.
Marka
dalkeena laga hadlayo Biyaha Qumbaha waxey ka mid yihiin cabitaanada ugu
caansan ee dabiiciga ah ee laga helo, waana biyo hodan ku ah maadooyin badan oo
jirka waxtar wanagsan u leh sida fitamiinis iyo macdano kaloo badan.
Laakiin
waxa muhiimka ah ayaa waxey tahay in biyaha qumbaha ay qani ku yihiin sokor iyo
kooloris badan, waxaa la xaqiijiyay in halka koob (240ml) ee biyaha qumbaha ah
ay ku jirto 6 garaam oo Sokor ah iyo 45 koolari, taasoo ka dhigeysa inuu ka mid
yahay cabitaanada qeybta ka ah kuwa miisaanka kordhiya.
5. Cabidda Soodhaha.
Cabitaanada
sijilka ah nooca loo yaqaan Soodhaha waxey ka mid yihiin cabitaanada
caafimaadka leh sida ay muujisay daraasad dhawaan lasameeyay maxaa yeelay
malahan wax koolori ah.
Cilmi
baaristaas oo in ka badan 2000 qof ay ka qeyb qaateen ayaa lagu sheegay in
dadka sida weyn u isticmaala cabitaanka soodhaha ay dhex weyn yeeshaan marka
loo fiiriya dadka aan cabin soodhaha.
6. Sharaabka Sports'ka.
Cabitaanada
diyaarsan ee loogu tala galay ciyaartoyda iyo dadka jimicsiga sameeya waxey ka
kooban yihiin Sokor iyo Kooloris badan, waxaana loogu talagay dadka jimicsiga
waqtiga dheer sameynaya iney tamar fiican ka helaan.
laakin qofka doonaya inuu cayilo, hadii uu badiya isticmaalka cabitaanadan nasiina fiicanna uu hela, waxey kaa caawineysaa inaad kordhisa miisaankaada.
Sii Daalaco... 7 Cunto Oo Si Fudud U Jara Baruurta Caloosha.
0 Comments