Marka ay timaado miisaan iska dhimidda, waxaa jira cuntooyin gaar ah oo larabo qofka in uu ku dadaalo iyo kuwa ay tahay inuu ka fogaada inta uu ku jira safarkiisa is caateynta ama xitaa kadib'ba.
Hadaba wadada saxda ah ee larabo qofka inuu umara miisaan dhimista waa in uu wax ka badalaa habka uu u noolyahay, waa inaad ku dadaashaa cunista cunto koolari ( Colories) yar leh, Sidaas darteed waxaan halkaan idin kula wadaagi doonaa 8 cunto oo si weyn uga qeyb qaata is caateynta kuwaas oo aad ka heli kartid suuqyada kuugu dhaw.
1. Cunista Ukunta.
Cilmi baaris dhawaan lagu sameeyay koox haween cayilan ah ayaa lagu ogaaday in qofka maalintiisa ku af bilaawda qureec borotiin badan ugu yaraa 35 garaam oo boratiin ah ka kooban in maalintiisa inta ka dhiman uu dharag ku qaato si aad ahna hoos ugu dhacdo gaajadi uu dareemi lahaa.
Hadaba si aad borotiin badan u hesho badi isticmaalka ukunta, si gaar ah hanoqota cuntada aad subixi ku af bilaabaneyso oo qureec daada hanoqota ukun iyo hilib yar oo laysku ridqay.
2. Cunista Cambuulada (Digir).
Digirta waa cunto aad u qiima badan si weyna uga qeyb qaadato safarka miisaan dhimista, waxey qani ku tahay borotiinka iyo sidoo kale maadada fayber'ka (Fiber) oo si weyn u caawiso caafimaadka dhaafshiidka.
Sidoo kale Digirta waxey joojineysaa in cunto badan aad cuntid, oo waxey sababtaa in dharag badan aad dareento madaama ay borotiin badan ka kooban tahay.
3. Isticmaal Tufaaxa.
Isticmaalka tufaaxa waxey si weyn uga qeyb qaadataa miisaan dhimidda madaama uu ka kooban yahay fiber badan, cuntooyinka fiber'ka uu ku badan yahay waxey sababaan baryaqaad ama calaalin badan taasoo maskaxda u dirta fariin ah inaad wax badan cuntay.
Hadaba ku dadaal inaad joogteyso cunista miraha tufaaxa ama xitaaa in mararka qaar aad cabitaan ka dhigato.
4. Saameynta Maraqa.
Si'aad u yareyso xadiga cuntistaada kahor inta aadan wax raashiin ah soo guran, waxaad sameysaa cab hal koob oo maraq ah wax dhib ah malahan maraqa hadii saafi uu yahay iyo hadii kalaba.
Sii Daalaco... Maxaa Lagu Daweeya Xanuunka Xiliga Caadada.
5.Isticmaalka Khudaarta.
Cuntadaada in khudaar dheeri ah aad ku darto waxey si weyn kaaga caawineysaa inaad ku raaxeysato cuntada aad cunaysid isla markaana aad koolari yar cuntid,
khurabo cilmi baaris ka sameeyay "Pen State" ayaa soo jeediyay cunista khudaarta cagaaran oo lagu daray Bocor iyo Farmaajo ay tahay cunta uu qofka ku raaxeysanaayo cunisteeda isla markaana si weyna ay uga caawineyso miisaan dhimista.
6. isticmaal Shukulaatada Madoow.
inta udhaxeyso waqtiyada cuntada ku raaxeyso oo isticmaal ugu badnaan laba xabo oo shukulaatada madoow ah ama mida ka sameysan caanaha, cilmi baaris ayaa muujiyay cunista shukulaatada madoow in ay 15% hoos u dhigta abitaatka ama cunista qofka.
7. Cunista Miraha Canab'ka.
isticmaalka miraha canabka waxey kamid tahay wax yaabaha sida weyn uga qeyb qaata miisaan dhimida, gaar ahaan wuxuu si gaar ah ugu wanaagsan yahay dadka halista ugu jira xanuunka Macaanka ama Sokoroowga.
Cilmi baaris dhawaan lasameeyay ayaa muujisay in cunista cunta walba ka hor kala bar Canab ah ay si weyn hoos ugu dhigta miisaanka.
8. Isticmaalka Loos'ka.
Looska waa mid kamid ah miraha laga hela dufanka caafimaadka ee dabiiciga ah, sidoo kale lowska waa cunta fudud oo aad isticmaali kartid goor walba iyo goob walba.
Daraasad ayaa muujisay in aysan cunta badan cuni karin dadka isticmaala lowska, sidaas darteed ku dadaal cunista miraha lowska ama xitaa mararka qaar ku shiida cabitaanka ama caanaha aad cabaysid.
Sii Daalaco... Sidee Ugu Fudud Ee Loo Dhimaa Cayilka.
Sii Daalaco... 7 Cunto Oo Si Fudud U Jara Baruurta Caloosha.
0 Comments