Latest

5/recent/ticker-posts

Quruxda Wajiga | Si Fudud ku Cadeey Wajigaaga.

Quruxda wajiga : Si fudud ku Cadeey Wajigaaga.


Hamiga iyo himilada gabarkasta ay ku riyoota waa helida waji cad oo qurux badan ceebna aan laheyn. iyada oo sidaan ka dharagsanahay waqtigaan lajooga ay dunida kusoo bateen dawooyin loo isticmaalo iscadeynta oo badanaa ah kuwa aanan ku gaarsiin karin hamiga sida aad doonaysa in uu wajigaada noqda madaada ay yihiin kuwa badan kooda ka sameysan kiimikaal oo wax yeeladooda ay badan tahay.

Sababaha keena in uu is badalo midabka wajigaagu.

intabadan waxey laxiriiraan wax yaabo ka dhasha ubanbixidda qataraha ka dhasha deegaanka sida wasakhowga iyo qoraxda/cadceeda ku waas oo inta badan sababa in midabka jirka uu isbadal ku yimaada si gaar ah wajiga,

sidoo kale waxaa jira waxyaabo kale oo ay ka mid tahay raashiinka aad cunta iyo in aad ku sugan tahay xaaladaha qofka ku abuura walwalka iyo fikirka badan, laakiin waxaan halkaan idinkula wadaageynaa waxyaabo badan oo dabiici ah oo idinka caawin doona cadeynta wajiga.

1.Malab'ka iyo Sacfaraan'ka

ugu horeyn waxaad isku qastaa hal qaado oo sacfaraan ah iyo hal qaado oo malab ah kadib wajigaaga mari adigoo farta kuwada gaarsiinaya dhamaan wajiga, kadib waa inaad ku daysaa ilaa inta uu qalalayo kadibna iska meydh, runtii isku darka labadaan shey sifiican ayuu wajiga u cadeeyaa sidoo kale wuxuu cilaaj iyo dawo u yahay oo loo isticmaalaa wajiga qalalay.

2.Lawska Saliidiisa

Saliida lowska faaidoyin badan ayeey uleedahay wajiga, sababtoo ah waxey kordhisaa wareega dhiiga ee wajiga iyo helitaanka dhalaal iyo nuur gaar oo wajiga ah, waxaad sameysaa mari wajiga saliida lowska ayadoo diiran, waxaa kale oo aad sameyn kartaa in lowska biyo aad ku dhex rido oo habeenki aad ku dayso kadibna subixi aroorti aad tuntid ku dar subaga caanaha kadib wajiga marso adigoo ku deynayo ugu yaraan ilaa 15-daqiiqo.

Aqriso... Madooneysaa Waji Cayilan Si Dhaqsi Ah Isticmaal Cuntoyinkaan.

3. Caanaha iyo Malabka

Quruxda wajiga : Si fudud ku Cadeey Wajigaaga.

ugu horeyn waxaad sameysaa isku dar hal malqacad oo malab ah iyo hal malqacad oo caano ceyriin ah oo walaaq, kadib marka aad walaaqdid waxaad marisaa wajiga ilaa ugu yaraan 15daqiiqo ku hakuu marsanaado, kadibna sifiican uga dhaq wajiga .

4.Biyaha maa'u waridiga

biyahaan runtii faaidooyin badan ayeey u leeyihiin wajiga sidaa darteet waa u muhiim in wajiga inaad marsataa sabatoo ah midabka wajiga sifican ayuu u wanaajiyaa.

5.Geedka Nacnaaca Caleemihiisa

caleemaha geedkan faaidooyin badan ayaa ku jira waxa uu si wanaagsan kaaga caawinayaa nadiifinta dhamaan daldaloolada maqaarka ee wajiga iyo saameynta ay qoraxda u yeesho wajiga, waxaad sameysaa caleemaha geedkan nacnaaca ugu dhig wajiga dabool ama dahaar adigoo wajiga dusha kasaaraya kadibna ku deey ugu yaraan ilaa 15daqiiqo.

Talooyin gaar ah.

A. waligaa waa in wajigaada aad ka ilaa lisaa daawooyinka kiimikada ah ee laysku cadeeyo xitaa hadii ay dhacdo in wajigaada ay cadaan ka dhigaan ma'ahan cadaan daa'im ah oo sii jiraysa, sidoo kale daawoyinkaan loo isticmaqlo is cadeynta waxa ku jira kiimikooyin aad ufara badan oo wajigaada gaarsiin karta dhaawacyo halis ah.

B. ka ilaali wajigaada xiliga ay qoraxda/Cadceeda kulushahay waxa ay midabka wajigaada ku sababeysaa in isbadal uu ku yimaado.

C. waa in marwalba nadaafada wajigaada aad ku dadaashaa sababtoo ah wajigaada oo qurxanaado waxey sawir wanaagsan ka bixineysaa quruxda jirgaaga.

Sii Daalaco... Sidee Loo Daweeyaa Xanuunka Cirrid Dhiiga Ama ilko Dhiiga.

Post a Comment

0 Comments