Finanka wajiga waa dhibaato ay dad badan la nool yihiin si gaar ah dhalinyarada oo ku jira da'da uu qofka ugu xarago badan yahay, caadiyan wajiga waa meesha dhalinyaranimada iyo quruxda qofka laga cabiro sidaas darteed wuxuu xanuunkan qofka galiyaa walwal, dhibaato nafsiyan iyo kalsooni daro badan.
Hadaba finanka waxey inta badan saameeyaan wiilasha marka loo eega gabdhaha, marka da'da laga hadlaya waxey ku dhici karaan da' walba laakin waxey badanaa saameeyaan dadka da'dooda udhaxeyso 12-25 sano.
Finanka waxey wajiga ku reebi karaan baro madow iyo haaro, sidoo kale finanka waxey ku fidi karaan qeybaha kalee jirka sida qoorta, xabadka iyo dhabarka, inta badan finanka malahan saameyn badan oo muddo kooban 4 ilaa 5 sano kadib iskood ayeey isaga baaba'aan, dad kooban ayaa dawo u baahdo laakiin dadka qaar muddo dheer ayeey la ildarnaan karaan.
Waa Maxay Sababaha Wajiga ku Keena Finanka?.
Sababaha keena finanka wajiga waa ay badan yihiin lakiin waxaan halkan hoose idinku soo goobi doonaa inta ugu muhiimsan;
- Waxaa jira qanjira soo daayo dareero saliid ah oo uu jirka leeyahy waxaana laga helaa duleelada maqaarka ee timaha ama xaada kasoo baxdo si gaar ah wajiga, qoorta, qeybaha kore ee dhabarka, xabadka iyo qeybaha kore ee gacmaha,
Xiliga qaan gaarnimada waxaa dhacda iney si aad ah u weynaadaan qanjiradaas wax soo saarkoodana uu bato taaso qofka ku keeneysa iney finan kasoo muuqdaan qeybahaas jirka ee aan soo xusnay.
- inuu xirma duleelka tinta waxaana ka dhasha barar.
- cuntooyinka qaar kamid ah sida digirta, kaluunka iyo ukunta,
- Hormooonada jirka in isbadal uu ku yimaado,
- Xanuunada qaar sida xasaasiyada iyo caabuq yada ku dhaca maqaarka.
- Xaadaha qaar sida walwalka(Stress),xiliyada caadada dumarka ujoogta oo lagu arko finan wajiga kasoo baxa iyo dhaxal ahaan iney kuu saameyaan( Genetically).
- in daawo si qaldan loo isticmaalo ama loo marsado.
Waa Maxay Wax yaabaha Uga Siidara Finanka Wajiga?.
- isticmaalka Make-up ka nooca saliida badan ama adag.
- Cadaadis badan oo lagu sameeyo wajiga finanka leh sida in koofi ku dhagan qofka xirto, indhashareerka, iyo cimaamad in wajiga lagu xirto.
- inaad finka bajiso ama tuutuujin aad ku sameyso.
- qaar kamid ah dawooyinka gaar ahaan dawada (Phenytoin).
- Xaaladaha qaar sida dhididka badan ama in meel caburan aad wax badan ku jirtid sida jiko kulul.
Maxaa lagu Daweeyaa Finanka Wajiga.
Marka laga hadlayo daweynta finanka wajiga waxaan ukala qaadeynaa laba qeybood;
Ugu horeyn waa in ladaweeyaa wax yaabihi u sababta ahaa in wajiga finan yesha sida hadii uu jira isbadal ku yimid hormooniska jirka, caabuq ama xasaasiyad, arimahaan waa inaad la xiriirtaa dhaqtar maqaarka ah si dawooyin aad uqaadatid.
Hadaba adigoo raacaya tilmaamahan waxaa jira hab dabiici ah oo adigoo gurigaaga jooga aad isaga daweyn kartid finanka wajiga;
▪Isticmaal Liin dhanaan iyo Malab, isku darka labadaan waxey ladagaalaman caabuq yada wajiga ayagoo maqaarka ka saara unugyada dhintay.
▪Isticmaal Toonta, sidaan wada ognahay maqaarka jirkeena wuxuu leeyahay duleela uu kasoo baxa dhididka iyo saliidaha ay soo daayaan qanjirada maqaarka, hadaba Toonta waxey ka hortagtaa iney duleeladas xirmaan iyo caabuq maqaarka ku sameysmo.
▪Liin macaanta jirkeena waxey u leedahay waxtar gaar ah waxaana ka buuxa fitamiinis badan, hadaba isticmaalka Qolofta liin macaanta waxaa la ogaaday iney si aad ah ugu wanagsan tahay finanka wajiga.
▪Isticmaal Malabka iyo Qorfaha isku darka labadaan wuxuu wajiga ka caawinayaa kahortaga caabuqyada iyo finanka wajiga kasoo baxa.
▪Isticmaalka Dacarta waxey si weyn kaaga caawineysaa kahortaga caabuqa iyo baabi'inta saameynta bakteetiyada, waxeyna sahashaa soo kabashada maqaarka.
Sii Aqriso Maqaalladan Hoose....
0 Comments