Latest

5/recent/ticker-posts

Sida loo Cadeyo ilkaha | Daryeelka ilkaha

Sida loo Cadeyo ilkaha | Daryeelka ilkaha

Marka laga hadlaya in isbadal ku yimaado cadaanta ilkaha waxaa jira wax yaabo badan oo sababa iney muuq doorsamaan ama iska badalaan midab koodi hore, cuntooyinka qaar waa wax yaabaha sababi kara in midabkoodi uu doorsama ilkaha qeybtooda sare ee loo yaqaan "Enemel", sidoo kale waxaa jira in ilkaha midab huruud ama jaalle ah ay yeeshaan sabab laxiriirta in lakab uu ku sameysmo ilkaha.

Hadaba caadiyan marka isbadal ku yimaado midabka ilkaha waxaa lagu daweeyaa in lajoogteyo nadaafadooda iyo isticmaalka dawooyinka ilkaha lagu cadeeyo.

Sidaas darteed waxaan halkaan idin kula wadaagi doonaa todoba qaab oo ilkaha si dabiici ah loogu cadeyn karo.

1. Hydrogen Peroxide.

isticmaalka maadadan si joogta ah, waxey si dabiici ah uga qeyb qaadataa nadiifinta bakteeriyada afka,

Marka laga hadlayya habka aad u isticmaaaysa waxaa sameyn kartaa inaad ku luq luqato ama inaad sameyso inaad ku qastid kicisada ama leebato(Bikin Soda) kadibna ku cadeyso ilkaha.

2. isticmaal Saliidahan.

Waxaa jira nooc Saliido ah oo qaarkood xiliya hore la isticmaali jiray kuwaas oo si weyn ugu qeyb qaata cadeynta ilkaha, waxeyna horumariyaan nadaafada guud ee afka ayagoo sunta ka saaraya jirka.

Saliida ugu caansan looguna isticmaalka badan yahay waa Saliida qumbaha, sabatoo ah waxey leedahay ur aad u wanaagsan iyo faaidooyin kaloo badan, sidoo kale saliida qumbaha waxaa laga helaa maada lagu makacaabo "Lauric acid" taasoo disha bakteeriyada hoosna u dhigta bararka.

Saliidaha lagu luq-luqda waa kuwa shaqeynayya waxtar koodana uu aad u sareeyo, daraasada dhawaan lasameeyay ayaa muujiyay in ay si aad ah hoos ugu dhigaan bakteeriyada afka waliba nooca loo yaqaan "Streptococuss mutans" iyo sidoo kale cirid xanuunka iyo dahaarka ilkaha ku sameysma. Waxaana wanaagsan in si joogta ah ugu luq-luqato maalin walba 15-20 daqiiqo

3. Leebato(Bikin Soda).

Bikinka waa mid kamid ah ilka cadeeyaasha dabiiciga ah, wuxuu awoodaa inuu ilkaha ka qaada midabka saaran ee huruudka ama jaalaha ah.

cilmi baaris dhawaan lawaaday ayaana muujisay in Bikin soda uu afka ka dhigo mid alkali ah oo aysan suurta gal aheyn in bakteeriya ay ku korta, wuxuuna leeyahay saameyn muhiim ah oo ilka cadeyn ah.

4. isticmaalka Kaalshiyaamka iyo Sokorta.

Sida dabiiciga ah mar walba oo qofka da'diisa kororta midabka ilkaha waxey isku rogaan huruud, lakiin si isbadal uusan ugu imaan midabka ilkaha waxaa jira wax yaabo looga hortagi karo.

Hadii aad dooneysid ilka cad waa inaad xadidaa ama aad joojisaa isticmaalka wax yaabaha midabka ilkaha badala sida cuntooyinka ay Sokortooda badan tahay iyo cabitaanada ay ku badan tahay Soda iyo kafeyga.

Qaadashada sokorta ama cabitaanada iyo cuntooyinka ay sokorta ku badan tahay waxey si aad ah sare ugu qaadaan koritaanka bakteetiyada afka ee loo yaqaan "Streptococcus Mutans" taaso sababta xanuunka cirrid dhiiga iyo huurada/lakabka ilkaha.

Sidaas darteed isticmaalka waxyaabha ay sokorta ku badan tahay kadib waxaa wanaagsan inaad ka cadeysato si dhaqso ah.

Maadada Kaalshiyaamka waxay qeyb weyn ka qaadataa caafimaadka ilkaha, wax yaabaha sababta u ah isbadalka ku yimaada midabka ilkaha waa burburka ku yimaada labada lakab ee ilkaha(Enamel&Dentin), sidaas darteed si aad u hesho ilka cad oo ifaya salkooda(Enamel) uu adag yahay waa inaad qaadataa xaddi badan oo kaalshiyaam ah,

Sidokale badi isticmaalka cuntooyinka iyo cabitaanada ay Kaalshiyaamta ku badan tahay sida Caanaha, si ay kaaga caawiyaan ka hortaga burburka jiridka(Enamel) ilkaha.

Sidokle Aqriso... 6 Cabitaan Oo Si Fudud Loogu Cayilo.

5. isticmaalka Khalka Tufaaxa.

Marka laga hadlaayo isticmaalka khalka Tufaaxa wuxuu leeyaay waxtar muhiim ah, muda qarniyaal ah waxaa loo isticmaali jiray ladagaalanka caabuqyada iyo in lagu daro waxyaabaha wax lagu nadiifiyo.

Sidokale Khalka Tufaaxa waxyaabaha keenaya in loo isticmaala nadiifinta afka iyo cadeynta ilkaha waxaa laga helaa maadada (Acetic Acid) oo siweyn uga qeyb qaadata ladagaalanka bakteeriyada.

Laakiin waxaa muhiim ah inaadad si xad dhaaf ah u isticmaalin, sababtoo ah wuxuu wax yeeli karaa ilkaha.

6. Isticmaalka Khudaarta.

Marka laga hadlaayo qaadashada xaddi badan oo cabitaanada iyo cuntooyinka khudaarta ay ku badan tahay inkastoo ayaga ilkaha aan lagu cadeyn Hadana waxey si aad ah ugu wanaagsan yihiin caafimaadka guud ee jirka iyo ilkaha, waxey kaa caawinayaa iney meesha ka saarto lakabka ku sameysma ilkaha.

khudaarta ka qeyb qaadata cadeynta ilkaha si qaas ah waxaa ka mid ah:

A). Strawberry: waa dawo dabiici ah waliba marka lagu daro Bikin Soda wuxuu si weyn uga qeyb qaataa cadeynta ilkaha, Cilmi baaris dhawaan la sameeyay ayaana muujisay in midabka isbadalay ay ka qaadaan ilkaha.

B). Caananaaska: Marka laga hadlaayo cadeynta ilkaha waa u muhiim, maxaa yeelay Cananaaska waxaa laga helaa maadada "Bromelain" oo ku jirta daawooyinka lagu cadeysto taasoo meesha ka saarto lakabyada ilkaha fuula.

7. isticmaalka Cadeyga iyo Dunta ilkaha.

Marka laga hadlaayo cadeyga wuxuu lee yahay muhiimad gaar ah, in qofka uu joogteeya cadeyga waxey meesha ka saareysaa in isbadal uu ku yimaado midabka ilkaha, Halka  isticmaalka dunta ilkaha ay si weyn hoos ugu dhigto bakteetiyada afka iyo kahortaga lakabka fuula ilkaha.

joogteeynta Cadeyga iyo dunta ilkaha adigoo ku daraya booqashada dhaqtarka ilkaha waa xalka ugu wanaagsan ee ka hortaga dahaarka ku sameysmo ilkaha iyo caafimaadka guud ee afka.

Sii Daalaco... Akhriso 8 Cunto Oo Si Fudud Miisaanka U Dhimma

Post a Comment

0 Comments