Biya baxa deg-dega oo afka qalaad lagu yiraahdo Premature ejaculation waa dhibaato caafimaad oo bulshada lasoo gudboonaato markay ay galma sameynayaan, waa xaalad Dumarka aay aad iyo aad u neceb yihiin Ragga leh, sababtayna in Rag badan ku waayaan xaasaski ay jeclaaen, iyaga oo furay, Rag badan oo wali aan guurasanna ay cabsi ka qabaan.
Sidaas darted hadii
alle yiraahdo waxaan si qota dheer u sharixi doonaa, waxa uu yahay biya baxa
deg dega ah, maxaa keena biya baxa deg dega, goorma ayaa la dhihi karaa qofka
waxa uu qabaa biya baxa deg dega, ugu yaraan meeqa daqiiqo ayaa la rabaa in
biyaha ku yimaadaan.
Sidoo kale waxan sheegi
doonaa xiriir maka dhaxeeyaa siigada ama siigeysiga iyo biyo baxa deg dega,
qeybaha dambana waxaan kula wadaagi doonaa sida looga hortago biya baxa deg
dega, sida loo daweeyo iyo sidee biyaha loo raajiyaa iyo fariin iyo tala ku
socota dhalin yarada.
Waa Maxay Biya Baxa Deg-Dega ah
Biya baxa deg-dega ah waxaa lagu tilamamaa in qofka biyaha kaga yimaadaan daqiiqada u horeysa ee galmada, oo ka bilaabaneysa marka labada xubnood ee taranka ay is dhex galaan. inkastoo qiyaasta mudada lagu kala duwan yahay hadana cilmi ahaan waxaa laysku raacsan yahay qofka oo biya baxa ka hor mudada saxda ah ee 5-7 daqiiqo.
Wuxa uu tilmaamaa xanuunkaan awood yarida qofka ee uusan laheyn awood uu ku xajisto biyaha, waxa uu leeyahay heerar iyo saameyn kala gedisan, sidoo kale rag iyo dumar waa uu saameyaa xanuunkan inkastoo 80% uu raga u badan yahay.
Maxaa Keena Biya Baxa Deg-Dega ah
Inkastoo si sax ah aan
loo ogeyn waxa rasmiga ee sababo biya baxa deg dega, waxaan halkaan idinkila wadaagi doonaa shan arin ee
sida aadka ah loola xiriiriyo iney keento xanuunkan.
1- Siigada: Siigeysigu waa caado xun oo dad badan dhibaato ku hayso, waana
aafo halis ah oo sababta in ay jilicdo xubinta taranka ragga sidoo kale ku
keento in uu qofka isku arko biyo bax deg-deg ah.
Culimada caafimaadka
waxey isku raacsan yihiin in qodobkaan u yahay kan ugu weyn ee shaki la'aan
sababa xanuunkan biya baxa deg-dega ah.
2- Xanuuno: waxaa jira xanuuno badan oo isugu jira kuwa nafsi ah iyo kuwa jir
ahaaned oo lala xiriiriyo iney qofka ku keeni karaan biya baxa deg-dega.
- Xanuunada jir ahaaned: waxaa ka mid ah, Baabasiirka, caabuqyada ku dhaca xaniinyaha, xanuunada qanjirka (Thyroid Diseases), xanuunka macaanka, xanuunada ku dhaca kilyaha iyo kaadi haysta.
- Xanuunada Nafsiga ah: xanunadan nafsiga ah (Anxiety, Depression, & Stress) waxey door weyn ka yihiin sababaha keena biya baxa deg-dega ah, hadii qofka uu walwalsan yahay, isku buuqsan yahy ama uu xaalad jiyad jab ah ku sugan yahay, waxey keeneysaa in qofka uu san hami ama rabitaan u yeelan galmada, taasoo sababi karto in qofka isku arko xaalad biya bax deg-deg ah.
3- Sigaarka: Balwada Sigaarka waxey qeyb ka tahay wax yaabaha culimada
caafimaadka aysan dood badan ka keenin iney qeyb weyn ka qaadato keenida biya
baxa deg-dega ah, maxaa yeelay Sigaarka waxa uu sababaa in unugyada dhiiga
qaada ay aad u yar yaraadan, taasoo keenta in wareega dhiiga uu yaraado.
4- Qaadka: Waxaanu ognahay in qaadka ay ku jiraan maadooyin aad u badan kuwas
oo qaarkod ah mukhaadaraad halis ku ah caafimadka qofka. Qofka cuna Qaadka
hamiga uu u haayo in uu xaaskiisa galma lasameeyo aad ayuu usareeyaa, laakiin
marka si dhaw loo eego mudda laba ama hal daqiiqo ka yar ayuu ku biya baxaa.
5- Xumaha: Daawashada aflaamta galmada ah ama Sawirada qaaqaawan, waxey qeyb
weyn ka yihiin sababaha keena biya baxa deg-dega ah.
Sidee Loo Daaweeyaa Biya Baxa Deg dega
Marka laga hadlayo
daaweynta Biya baxa deg-dega waxa ay u baahan tahay in xog iyo macluuma dhab ah
laga haayo qofka nolashiisa gaarka ah si loo ogaada waxa sababay, loogana
daaweyo xanuunka. Hadaba waxaan halkaan idin kula wadaagi doonaa farsamooyin
iyo daaweyn guud oo kaa caawinaya in aad xaliso dhibaatadan Biya baxa deg-dega
ah.
· A) Jimicsi: Sameynta Jimicsiga waa xalka ugu weyn ee ilaa hadda la xaqiijiyay, marka uu qofka ka cabanayo biya baxa deg-dega macneheedu waxaa meesha ka baxay isbooroyinki hakin lahaa biyaha.
Sidaas darteed jimicsiga waa awooda lahuba ee dib u howl galin karta unugyadii daciifay, hadaba samey jimicsiga labadiisa nooc (Natural Exercise) sida socodka iyo waxyaabaha lahal mala, iyo jirdhiska ama biro qaad qaadida (Body Bulding).
B) Cuntada: Cunida cuntooyinka caafimaadka leh waa sirta laysku dhaafay ee dad badan aysan ku baraarug saneyn, ku Dadaal cuntooyin nafaqada, duxda iyo fitamiin ka badan sida, Hilibka, Malaayga, Digirta, galeyda, masagada, sido kale cab biyo badan, ku dadaal cabitaanada sida xulbada, caanah iyo kuwa ka sameysan qudaarta la shiiday.· C) Jooji: Waqtigaan la jooga dhalin yarada badankood waxaa aafa ku noqday oo nolashooda baabi'iyay daawashada aflaamta galmada iyo siigeysiga, jooji oo ka dhexbax daawashada, dhageysiga iyo sameynta dhamaan caadooyinkas xun. Sido kale ka fogaaw isticmaalka Qaadka, Sigaarka, aqrirta maqaalada ka hadla galmada hadii aad daren dhawdahay.
· D) Baaritaan: laxiriir Dhaqtar oo samey baaritaan caafimaad, waxaa jiro xanuuno
nafsi ah iyo kuwa jir ahaaned oo sababa xaaladan biya baxa deg-dega.
Farsamooyin ku Caawin Kara
Sadexdaan qodob ee soo
socda waxan kugula wadaagi doonaa farsamooyin hadii aad sameyso ay macquul
tahay iney kaa caawiyan dib u dhigida biya baxa deg-dega ah.
· · Galmada inta ay socota waa inaad qaadataa neef badan, waxey kaa caawineysaa qaadashada neeftaas badan iney dib u dhac ku sameyso (ejaculatory reflex) oo ah in ay dib u yara dhacaan biyihi deg dega ku imaan lahaa.
· · Isticmaal wax yaabaha yareyn kara dareenka badan ee soo gaaraya maqaarka kore ee xubinta taranka, tasoo hadii ay dhacdo yareyn karta biya baxa deg dega ah sida Condom ama Salbatiibo adag.
· · Waqti qaado marka aad dareento in biyaha ay kaaso dhawyihiin oo jooji in xubinta taranka aad ku dhaq dhaqaajiso, ama waqti kooban kasoo bixi xubinta taranka xaaskaada oo ku mashquul jirka intiisa kale, daqiiqado kadibna ku laabo galmadii.
Fariinta Dhalinyarada
Dunida waqtigaan manta
lajooga xanuunkan biya baxa deg-deg ah waa aafo Rag badan ay la daalaa
dhacayaan xal u helideeda, hadaba si aad uga guuleysata xanuunkan, farxadaadi
iyo kalsoonidaadina aad dib ugu hesha, Walaal ka fogaaw wax walba oo xaaraam
ah, Sameynteeda, daawashadeeda, cabideeda, iyo cunideedaba, si gaar ah
caadoyinka xun xun ee daawashada sawirada iyo aflaamta Galmada, isticmaalka
Qaadka, Sigaarka iyo sameynta Siigada.
Ugu dambeyntii ku dadaal cibaadada oo wanaaji xiriirka aad alle la leedahay, nafasadaada firaaqa u diid oo mashquuli mar walba, samey jimicsi, si aad uga bad baado cudurka halista ah ee Siigada oo ah furaha koobaad ee keena xanuunka Biya baxa deg-dega.
Sii Daalaco... Cirid dhiiga | Maxaa keena ilka dhiiga
0 Comments