Kusoo dhawaada maqaalkeena maanta, waxaan si faah faahsan halkaan
idinkula wadaagi doonaa Toban qodob oo si dheeli tirin aan ugu soo koobnay;
Qiimaha waqtiga, Maaraynta waqtiga, Faa'iidada waqtiga, ilaalinta Waqtiga, Muhiimada waqtiga, iyo
sido kale xigmad waqtiga.
Hordhac
Hantida badan ee bini aadamka Illaahay siiyay wax badan oo kamid ah wey ku kala duwan yihiin, wax yaabaha aadka u kooban ee Ilaahay isku si aadanaha u siiyay waxaa ka mid ah waqtiga. Qofka meesha uu doona hajooga, diinta uu doona ha haysto, xaalada uu doona haku jira, subixi marka uu soo kaca ilaa waqtigaa kala laga soo gaaray qofka wuxa uu haystaa 86400 ilbiriqsi yacni 24 saacadood, waa wax yaabaha uu ilaahay isku si bini aadamka ugu qeybiyay, laakiin waxaa lagu kala tagay sidi waqtigaas loo beeqaansan lahaa, loona maareyn lahaa.
Qeyb
dadka ka mid ah waxey aad juhdi u galiyeen, xeelad walba u isticmaalen, sida
ugu wanaagsan ay waqtigooda ku maareyn lahaayeen, halka dad badan oo inaga mid
ah uu kaliya subixiina u barya waaga, galabkiina u dhaca si bilaa qorsha ah,
dadka waxa inta badan kala badalay waa un intaas.
Hadaba
waxaan maqaalkan idinkula wadaagi doonaa ilaa Toban hab oo kaa caawiniya in
waqtigaada sida ugu wanaagsan aad u maareyso.
1- Parkinson's Law
Xeerkan
waxa uu leeyahy howsha qofka u taala hadba waxey isku dhex fidisaa waqtiga uu u
qoondeeyay, tusaale hadii manta aad doneysid maqaal inad qorto maqaalkaa aad
tiraahdid sadexda cishee soo socotaan qorayaa, sadexdaa cishe ee aad qabsatay
ayee isku dhex fidineysaa howshii, sidoo kale waxaa suurtagal ah in aad maalin
gudaheeda ku qaban kareysay.
Marka
hadba sida aad waqtiga u qoondeysa ayee isku dhex fidisaa shaqada kuu taalo.
hadaba xeerkan waxaa uu boorinayaa in qofka uu sameysto jadwal ama waqti
cayiman oo howsha u taal uu ku qabto.
2- Time Blocking
Maanta
aadbaa qodobkaan aad baa looga waramaa buugaagta laga qoray maareynta waqtiga,
sababtoo ah waqtigeena waxaa jira wax yaaba badan oo ku xeeran, dalabaad badan
oo hareeraheena ka imaanaya hadey qaraabadeena noqota, hadeey asxaabteena
noqota, iyo hadeey baraha bulshada noqotaba, marka waa muhiim in qofka uu sameysto
waqti u xiran maalin walba oo uu ugu tala galay in uu ku qabsado howlaha u
yaaalo markaas.
3- Pomodoro Technique
Fikrada
qodobkaan waxa ay ku timid nin arday Talyaani ahaa oo maadama caafimaadka baran
jiray ayaa wuxuu xiliga uu waxbarashada ku jiray si fudud ku helay
fikrad aheed saacadaha yaryar ee miiska lasaarto in uu xirto waqti, Labaatan
iyo shan daqiiqo in uu wax aqriyo shan daqiiqo uu nasiino qaato sidaasna uu sadex
wareeg sameeeyo marka uu wax aqrinayo.
Kadib
waxey noqotay fikrad caan baxday oo si aad ah loo adeegsado, qasab ma'ahan in
25 daqiiqo ay noqota waqtiga aad xiraneyso dadka wey ku kala duwan yihiin
howsha ay qabanayaan markaas, Laakiin markasta ee howshaa aad ku foogan tahay
ay sii badato waqtiga nasiinada ee aad qaadaneyso waa in aad yara badisaa
kadibna sadex jeer sidaa aad ku celisaa.
4- Single Tasking
Qodabkaan
waxa uu kasoo hor jeedaa ama cagsi ku yahay "Multi tasking" yacni qofka in uu yiraahdo wax yaabo badan ayaan mar qura wada qabanayaa, bini aadamka
tamartiisa waa ay xadidan tahay ma'ahan kumbiyuutar mar qura dhowr shaqa wada
qaban kara, markasto oo aad howl qabata tamartaada baa meesha kasii baxeysa.
Waa
macquul wax yaaba aan tamar maskaxeed nooga baahneen in qofka uu mar wada
qabto, laakiin laba sheey oo mid walba tamar maskaxeed ay u baahan tahay iskuma
wada qaban kareysid, marka isticmaal qodobkaan oo dhowr sheey mar hawada qaban,
xira waqti si sitaya leh howshaa aad dooneysa aad ugu qabatid.
5- Pareto Principle
Qodabkaan
waxa uu yahay tusaale maanta 10 howl ayaa rabtaa in aad qabato tobankaas laba
kamid ah oo u dhigmaya boqolkiiba labaatan (20%) ayaa waxey ku siinayaa
natiijada maalinkaa aad u baahan tahay si aad u dareento howl inaad qabatay,
tasoo aan ula jeedno tobanka sheey hadaad qabato bololkiba boqol (100%) ayee
kuu noqoneysaa natiijadi aad u baahneed, laakiin laba ka mid ah ayaa jira
tobankaas oo hadii aad qabato boqolkiba sideetan (80%) ay kuu noqoneysa
natiijadi aad u baahneed hadaba labadaas qodab maxey yihiin.
Hadaba
isticmaal qodobkaan oo isweydii mar walba oo aad howl qabaneyso waa maxay labada
wax ee hadii aan qabto boqolkiba sideetan (80%) isiinaya ama natiijada aan
maalinkaas u baahanay ii dhaweynayya.
6- To Do List
Hadaba ma
ogaan kareysid qodobkii hada aan kasoo sheekeyneynay (Pareto Principle) ee
tobanka qodob ee kuu qoran aad laba kamid ah kala soo baxeysay sideeda kalana
aad iska tuureyso hadaad waqti u heshana aad qabaneyso, hadaadan qodobeysan howsha markaas kuu taal oo aadan sameysan "To Do
List", waliba waqtiga ugu haboon oo ay tahay qofka in uu sameysto waa
habeenki inta aanu seexan.
7- Biological Prime Time (BPT)
Waxa uu
tilmaamayaa qodobkaan waqtigeena ama tamarteena xaaladaha iyo hadba xiliyada
kala duwan ee maalinkii ayee hadba isku bad badashaa, oo mar waxaa jirta mar
qofka uu aad u firfircoon yahay iyo mar uu caajisan yahay, marka qofka in uu
ogaado waa goorma waqtiga ay tamarteydu ugu sareyso.
Dadka
qaarbaa yaqaana xiliga ay ugu firfircoon yihiin in ay howlahooda qabtaana eey
ugu jecel yihiin, marka waa muhiim inaad garan kartaa waqtig tamartaada ay ugu
wanaagsan tahay.
8- Eisenhower Matrix
Xeerkan
waxa uu sharaxayaa afarta qaanad ee waqtiga qofka marka la eega waqtigiisa iyo
howlaha faraha badan ee uu qabanayo afarta qaanadood ee lakala galiyo sida ay u
kala mudan yihiin. Tasoo macnaheedu yahay howlaha faraha badan ee maalinkaas
kuu yaala waxey u qeyb samayaan afar qeybood.
●
Wax muhiim ah oo hadana deg deg ah.
●
Wax muhiim ah oo hadana aan deg deg aheyn.
●
Wax deg deg ah oo aan muhiim aheyn.
●
Wax muhiim aan aheyn hadana aan deg deg aheyn.
Hadaba in
badan hadii aad waqtigeena eegto labada qodob ee hoose ayaan ku qabanaa, sidaas
darteed waxaa haboon inaad tiraahdo waxaan qabanayaa wixii muhiim ah ee hadana deg deg ah,
halka wixii muhiim ah laakiin aan deg deg aheyn larabo inaad qorsheyso, sidoo
kale waxaa jira wax muhiim aan aheyn hadana deg deg ah hadaba iska fogeey wax
yaabahaas inta badan saaxiibada iyo baraha bulshada ayeey nooga timaadaa.
9- Newton's First Law
Xeerkaan
waxaa loo adeegsadaa markey wax soo saarka (Productivity) iyo inta badan
howlaha inoo yaala ay noqota, qabashada howl bilaawgeed culees ayeey leedahay taaso qofka ku
keeni karta in uu dib u gurasha sameeyo ama hadhoow ayaan qabanayaa. Sidaas
darteed xeerkaan marka uu qofka adeegsanaya waxa uu oranayaa wax inaan
dhaqaajiyo ayaan rabaa, sida aan ku sharixi doona qodobkan hoose.
10- The Two-Minute Rule
Qaanuunkan
waxa uu leeyahay sheyga waxaad tiraahdaa laba daqiiqa unbaan qabanayaa, waa
qiyaano maskaxda la qiyaanayo, waataan qodabka hore kusoo sheegnay bilaawga in
ay adagtahay, iska caabin gudeedo fara badan qofka ka hor imaaneysa sidaas
darteed waa inaad maskaxda ku xirtaa howshaan kaliya waxaan qabanayaa laba
daqiiqo.
Runtii qodobkaan aad baa loo isticmaalaa, sababta oo ah wax kasta talaabada u horeysa marka aad u qaado ama labada daqiiqo oo u horeysa ee howshii aad gasho ayee macno kuu yeelanayaan. Maxaa yeelay sideedaba bini aadam ka mahelo dhiiranaanta iyo xamaasada shaqada ka hor, ee wuxuu helaa shaqada inta uu ku guda jiro, sidaas darteed isku day labada daqiiqo ee ugu horeysa inaad maskaxda qiyaanto oo ugu yaraan howshaa aad bilaawda.
Sii Daalaco....
0 Comments