Latest

5/recent/ticker-posts

5 Caado Xun Oo Dilayya Maalintaada.

5 Caado Xun Oo Waxyeelayneysa Maalintaada.

Ma isku aragtaa ayado maalinti ay kuu dhamaatay, adigoo hal sheey xitaa qabashadiisa aan ku guuleysan. Hawalwalin dhamaanten waan leenahay dhibaato noocaso kale ah, sababtuna waxey tahay, waqtigaada ugu badan waxaad ku bixisay wax yaabo aan micno kuu laheyn. 

Sacaadaha ugu horeeya ee subaxdaada waxey go’aamiyaan wax soosaar kaaga maalintaas. Hadaba noo ogalaaw inaan kula wadaagno shan caado oo kaa hor istaagaya in maalintaada ay noqoto mid aad sifiican aad wax u qabsato.

1.      1. Qorsha La’aanta

Inaad iska soo kacdo subixii adigoo bilaa qorsha ah, qorsheynta maalintaada waxey kaalin weyn ka qaadataa wax soo saarka maalintas.

Tani kama dhigna in qorshaha aad dajineyso subaxdii marka aad soo toosta, hayeeshee waxaa wanaagsan habeenki intaadan seexan ka hor inaad meel ku qorata qorshahaada maalinta xigta.

2.      2. Jooji Mobile ka

Inaad fiiriso ama aad ku mashquusho mobile kaaga subixii marka aad soo toosta, waa caada xun oo dad badan ay ku dhiban yihiin. Waxeyna tahay inaad furto mobile kaaga subaxdii kadibna aad fariimihii laguu soo diray ama aad daalacato baraha bulshada. 

Waxaad intaba kala kulmeysaa xaalado isugu jira murugo iyo farxada, kuwaaso ku qasbaya maskaxdaada iney sameyso falcelin ku aadan wixi aad aragtay, halkaasoo tamar badan ay kaaga baxeyso ama lagaba yaabo in wixii aad daawatay in maalintii oo dhan fikir iyo walaac kugu abuuraan.

Iskuday inaadan booqan baraha bulshada afarta saac ee maalintaada, waayo waa xiliga aad ugu wax soo saarka badan tahay.

3.      3. Ku Bilaaw Hoowl

In waxa ugu horeeya ee subaxdaada aad ku bilaabeyso ay noqoto howl, dabcan howl qabashada waxey qeyb katahay jadwal maalmeed keena laakiin seysan noqon waxa ugu horeeya ee aad ku bilaabeyso marka aad soo toosta, badalkeeda isku day inaad subaxdaada ku bilaabato hormarinta nafsadaada, sida inaad cibaadeysato, quraan aqrisato ama bug aad aqriso, wax ku anfacaaya aad dhageysato iyo wax yaabo lamid ah. 

Hadii aad tahay qof waqti badan aan haysan inaad kacdo nus saac kahor xiligi aad kici jirtay, iskuna day nus kaas saac inaad naftaada ku maal galiso. Kadibna aad qabato howlahaada kale ee kuu yaala.

4.      4. Sameynta Go’aamo Badan

Tani waxaa qeyb ka ah inaad waqti iyo tamar badanba aad ku bixiso wax yaabo aan sidaa u weyneen sida; nooca dhar ee aad xiraneyso, qureecda aad cuni laheed iyo waxyaabo lamid ah.

Iskuday inaada habeenki sii go’aansato waxaad xiran laheed iyo waxaad cuni laheedba. Tan kaliya kaama caawineyso inaad waqti beeqaansato, sidoo kale waxey kuu sahleysaa inaad cunto qureec caafimaad leh.

5.  5. Qureecda Wanaagsan

Qof walba waxa uu leeyahay dooq u gaar ah marka timaado qureecda, inkastoo ayba jiraan dad aanan qureecan, si kastaba inaad cunto qureec caafimaad leh waxey kaalin weyn ka qaadataa wax soo saarka maalintaada.

Yeelkeed hadii aadan qureecan ama aad ka dhigato cuntooyinka sokorta iyo saliida ay ku badan tahay, waxey saameyn weyn ku yeelaneysaa shaqada maskaxdaada ee maalintaas.

Hadaba majiraa shantaan caado midaa isku aragtay, nagula wadaag qeybta comments ka.


Aqriso Maqaalladan...

Cayilka caloosha : Cuntooyinka ugu fiican ee rida Misaanka

Sida loo Cadeyo ilkaha | Daryeelka ilkaha

Booqo Facebook Page kena: https://www.facebook.com/Farxadsidepost/

Post a Comment

0 Comments