Dadka inbadan oo kamid ah ayaa aaminsan in masayrka uu yahay calaamad ama ifafaala muijinayya jaceyl, ayagoo doodooda ku saleeya "qof aan ii masayrayn ima rabo ama ima jecla", waxaadna marar badan maqleysaa ereyadaas marka aad u dhabo gasho goobaha ay dhalin yarta ku kulmaan.
Dhaqankaas ay muuqata in si aad ah uu ula falgalay quluubteena
sidokale ay adag tahay sidi loo baabin lahaa waxay u muuqataa inuu yahay mid aan
wax badani kajir. Hadaba waxa isweydiin mudan si qota dheerna aan halkaan
idinkugu soo gudbin doonaa, waa maxay Masayr? maxaa sababa? maxaa lagu daweeyaa?
maxaaase lagu garan karaa qofka uu masayrku taabtay?, aan guda galna
maqaalkeena walibana anaga oo isku dayidoona in aan soo koobna sida ugu macquulsana
aan idin kula wadaagno.
Waa Maxay Masayr?
Masayr: "Waa dareen aad u kulul kaaso uu ku laran yahay dareen
iyo feker qalafsan oo baqdineed, ka shakin iyo kalsooni daro in qofka uu waayo
ruux qiimo ku leh agtiisa ama uu isleeyahay waa kuu muhiim".
Sida muuqata halkaasi waxaa kaaga cadaaneysa in maseyrka iyo
jaceylku ay si dhaw isula xiriiraan balse dad badani aysan saameyntaasi
aaminsaneen, qofkii si dhaw u eegana waxaa u muuqanaya aragti ka duwan midda uu
ka aaminsan yahay xiriirka jaceylka iyo masayrka.
Marka dib loo fiiriya aragtidi aheyd "qofkaan wuu ii maseyraa
ma waxeysan cadeyneyn in uu jaceyl ii qabo" waaxu leenahay mayya cadeyn
mayso ee waxey taasi cadeyneysaa baqdin iyo kalsooni daro uu kaa qabo,
maseyrkuna waxaa lagu tiriyaa booska shakiga iyo cabsida ee laguma tiriyo
booska jaceylka.
Maxaa Keena Masayrka?
Marka ay timaado ka hadalka maseyr waa su'aasha ugu adag ee la is
weydiiyo, jawaabteedana waxey u baahan tahay in
lagu saleeyo, cilmi, xog ogaalnima iyo feker saliim ah.
Hadii aanu si koobana u sheegno "Waxa keena masayrka waa cabsi
uu qof ka qabo in uu waayo ruux qiimo agtiisa ka leh asiga oo aaaminsan in
qofkaasi helayo qof asiga ka muhiimsan ama badalkiisa ah oo ay yaraaaneyso
xiisihii iyo rabitaanki uu ka filan lahaa".
Hadaba waxaa kaaga muuqanaya si cadna aan u dhihi karnaa Masayrka
waxaa u aabo ah shaki waxaana u hooya ah kalsooni daro. Halka isla markiiba ay
si cad kuugu muuqaneyso in ay sanba jirin farqi weyn oo u dhaxeeya masayrka iyo
cabsida.
Maxaa Lagu Garan Karaa Qofka Uu Masayrku Taabtay?
Sida aan wada ogsoonahay caado ahaan dadka soomaaliyed waxaa ka
dhexdhacay dhacdooyin badan oo lala xiriiriyo in uu sababay masayrku, qof
walboo naga mid ahina waxaa suuragal ah in uu arkay ama maqlay qof uu
dhibaateeyay masayr, haba ugu badnaadeene dumarka, laakiin macnaheedu ma'ahan raga
masayrka kuma dhaco, oo waxaaba dhici karto in raga qaarkii ay ka xag jirsan
yihiin dumarka marka ay timaado masayrka.
Hadaba waxaa ka mid ah calaamadaha ugu waaweyn ee lagu karto qofka
in uu haayo masayr; xanaaq, qalqal nolaleed, kalinimo, walwal, tabasho,weerar
joogta ah, dabeecad xumo, iloobida wanaagii hore, abaal dhac, tiiraanyo,
qalafsanaan, iyo arima kala oo dhowr ah, madaama dadka ay ku kala duwan yihiin
falcelinta xaalada markaas ay ku sugan yihiin.
Dhibaatooyinka Masayrka:
Marka ay timaado ka hadlina dhibaatooyinka laga dhaxlo masayrka waa
arin aad u qota dheer qorma yarna aan lagu soo koobi karin, hayeeshe waxaa ugu
waaweyn ku kicida faldambiyeedyo, duminta xiriir muhiim ah oo mudda laga soo
shaqeynayay, dayaca iyo baylahda ubadka iyo weynta xasiloonida iyo qeyraadka
qoyska.
Waxaa jira dhibaatoyin qaar oo ka dhasha in qofku damacsan yahay in
uu soo jiito lamaane uu is leeyahay waa uu kaa fogaaday, laakiin sababa
dhibaato iyo burbur inti ka baaxad weyn. sidokale waxaan meesha ka marneen
bahdilka iyo ciqaabta nafeed ee qofka uu la kulmaya.
Maxaa Lagu Daweyn Karaa Masayrka:
Furaha koobaad ee ugu muhiimsan ee aad uga badbaadi karto
dhibaatooyinka masayrka waa aaminaada qiimaha ay leedahay nolashaada iyo iska
caabinta dareenada caadifada ku dhisan, u arag naftaada in ay tahay mid ka
qiima badan in ay la waalato waayida wax dhaldhalaal ah, oo nafsadaada xusuusi
marwalba in dhacdadani tahay wax qoran oo qadar Rabbi ku dhacay.
Waxaa isku daydaa mar walba inaad muijiso daganaa oo isku day marka
hore in aad hubiso cidda qaldan, in qaladka uu dhankaada ka yimid ama ruuxaasi
uu falka aadka xumaatay uu ku kacay, "Hubsiima hal baa lasiistaa" mar
walba wax hubso.
Gunaanad.
Ugu danbeyntii waxaan kusoo gunaanadeynaa iska ilaali inaad isku
qalado masayrka iyo jaceylka hadii aad aragto qof la dhibtoonaya masayr ha u
fahmin in uu la dhibtoonaya jacayl biya dhigtay oo looga baxay ee u fahan in uu
la dhibaatoonaya shaki iyo kalsooni xuma uu ka qaba waayida wax uu san calaf ku
lahayn.
Sidookale waxaa jira dad badan oo u adeegsada masayrka wax ay ku
muujiyaan heerka jaceylkoodu uu gaarsiisan yahay, taasoo keenta in dadkaasi ay
ku dambeeyaan shalayto, hungo iyo wax la'aan, ayadoo sababta ugu weyna ay tahay
wadada qaldan ee ay u mareen soo bandhigida jaceylkooda.
SII DAALACO...
Biya Baxa Deg Dega | Sida Loo Daaweeyo
10 Hab Oo Waqtigaaga Aad Ku Maareyn Karto (Time Management Tips)
0 Comments